skip to content

Read about our recent product expansion here.

Color Health

Oggolaanshaha Adeegyada Caafimaadka

Hordhac 

Foomkaan ogolaanshaha (“Ogolaanshaha”) wuxuu qeexayaa sida adiga (oo loogu yeeraayo “adiga” ama “kaaga”), oo ah macmiilka adeegyada Color, aad u akhrinayso khataraha gaarka ah, faa’iidooyinka, iyo xadidaadaha baaritaanka, daawo qorista, talo bixinta iyo/ama siinta daawooyinka, talada, la tashiga caafimaadka ee tooska ah ama khadka taleefanka ama adeegyada caafimaadka taleefanka, iyo adeegyada kale (oo si guud loogu yeero “Adeegyada Caafimaadka”) kuwaasoo ay bixiso Color Health, Inc., shaqaalaheena, iyo iskaashatadeena (“Color”, “anaga”, “anaga” or “keena”), iyo sida aad u ogolaato Adeegyada Caafimaadka ee aad xulatay.

Doorka Color 

Color ayaa kugu xiri karta dhakhaatiir ka tirsan nidaamka Color Medical, iyo/ama dhakhaatiirta aan xariirka la lahayn shirkada, sheybaarada, farmashiyaasha, iyo xirfadleyaasha kale, kuwaasoo dhammaantood lahaan karaan shuruudahooda gaarka ah ee adeegga iyo xeerarka kale.  Ma xukuno mana faragashano shaqada caafimaadka ee ay baxshaan dhakhaatiirta, kuwaasoo keligood masuul ka ah daryeelka caafimaadka iyo daawada ay ku siiyaan. 

Ka qaybgalka Ikhtiyaariga ah 

Adeegsigaaga Adeegyada Caafimaadka ee Color gabi ahaanba waa ikhtiyaari. Waxaa ikhtiyaar kuu banaan inaad adeegsato Adeegyadeena Caafimaadka ama aadan adeegsan adoo ku salaynaaya qiimayntaada khataraha, faa’iidooyinka, iyo xadidaadaha baaritaannada shaqsiga ah, daawaynta iyo adeegyada kale, iyo la tashigaaga dhakhtarkaaga. 

Habraaca Adeegyada Caafimaadka ee Color 

Waxaad fursad u heli kartaa inaad doorato baaritaan gaar ah, daawayno ama adeegyada kale, ayna ku jiraan, laakiin aan ku koobnayn, baaritaanka ama daawaynta cudurada caabuqa, hide-sidaha iyo baaritaanka kale, iyo/ama talo bixin aad ka hesho dhakhtar oo ku aadan natiijooyinka shaybaarka ee muujiya ciladaha.

Waxaad fursad u heli doontaa inaad akhrido xogta kooban ee la xariirta khataraha, faa’iidooyinka, iyo xadidaadaha Adeeg Kasta oo Caafimaad. Waxaa lagugu boorinayaa inaad kala hadasho su’aalo kasta ama walaacyada aad qabto dhakhtarka aad xulato.

Markaad doorato Adeeg Caafimaad, waxaad qiraysaa inaad heshay fursad kugu filan ood ku akhrido khataraha, faa’iidooyinka, iyo xadidaadaha Adeegga Caafimaadka, aadna fursad u heshay inaad arimahaas kala hadasho dhakhtarkaaga, haddii aad sidaas doonaysay, aadna siinayso ogolaanshahaaga Color inay bixiso Adeegga Caafimaadka ee aad xulatay.  Mararka qaar, waxaa lagaa dalban karaa inaad keento cadaynta dheeraadka ah ee ogolaanshaha (tusaale, qaab qoraal ama elektaroonig ah) Adeegyada Caafimaadka qaarkood.

Adeegsiga Adeegyada Caafimaadka Khadka Taleefanka 

Color ayaa kuu fududayn karta adeegyada caafimaadka khadka lagu bixiyo waxayna ku xiraysaa macaamiisha dhakhaatiirta caafimaadka ee ka baxsan shabakadeeda si ay ugu sahasho dhakhaatiirtaas inay qiimeeyaan xogta caafimaadka ee qofka qaab oonleen ah si ay u siiyaan daryeel. “Adeegyada Caafimaadka khadka” waxaa ku jiri kara baaritaanka iyo daawo qorista oonleenka ah, mudaynta balanta, wadaagista xogta caafimaadka, iyo adeegyada ka baxsan caafimaadka, sida waxbarashada bukaanka. Xogta aad bixiso ayaa loo adeegsan doonaa baaritaanka, daawaynta, dabagalka iyo/ama waxbarashada bukaanka. Xogta caafimaadka ayaa lala wadaagi karaa adigga iyo dhakhtarka caafimaadka khadka lagu bixiyo ayadoo la adeegsanaayo iskudarka qaababka soo socda: diiwaannada caafimaadka iyo natiijooyinka baaritaanka; sawirada iyo xariirada oonleenka ah; codka iyo muuqaalka tooska ah ee la isdhaafsado; codadka laga duubo wada hadalka; iyo xogta lagasoo qaato aaladaha caafimaadka iyo faylalka codka iyo muuqaalka.

Sharciyada difaacaaya sirta iyo qarsoodinimada xogta caafimaadka ayaa sidoo kale qabanaaya caafimaadka khadka taleefanka lagu bixiyo. Color ayaa u adeegsata una faafisa xogta Dhawrsan ee Caafimaadka qaabab dhawr ah oo la xariira daawayntaada, bixinta qarashka daryeelkaaga, iyo shaqooyinkeena daryeelka caafimaadka ayadoo si buuxda loogu sharaxay Xeerarka Ogaysiiska Sirta ee HIPAA ee shirkada Color. 

Waxaa jira faa’iidooyin iyo khataro laga helo adeegsiga caafimaadka khadka lagu bixiyo. Faa’iidooyinka laga heli karo waxaa ku jira in la fududeeyo, lana sahlo, lagana dhigo mid waxtar badan helitaanka daryeelka iyo daawaynta caafimaadka. Adeegyada caafimaadka lagu bixiyo khadka ayaa sidoo kale kuu sahlaaya inaad hesho daryeel xiliyada aad doorato. Khataraha ka imaan kara waxaa kamid ah, ayadoon intaa ku xadidnayn: 

  • Xogta uu haysto dhakhtarka caafimaadka khadka lagu bixiyo ayaa laga yaabaa inay ku filnayn heer uu dhakhtarku gaaro go’aan sax ah oo caafimaad, ayna ku jiraan baaritaanka ama daawada.
  • Inuusan dhakhtarka caafimaadka khadku awoodin inuu sameeyo baaritaan toos ah ayaa mararka qaar ka hor istaagaysa dhakhtarka bixinta baaritaan ama daawayn ama inuu aqoonsado baahida xaalad u baahan daryeel degdeg ah ama daawayn.
  • Ciladaha la xariira dhanka tignooloojiyada, sida awooda khadka oo xumaata ama cilado ka jira kaabayaasha interneedka, ayaa keeni kara ciladaha tabinta ama fahanka (tusaale, tayada sawirka ama codka oo liidata, khadka oo daciifa, googo’a codka) taasoo caqabad ku ah wada hadalka waxtarka leh ee adigga iyo dhakhtarka ku daryeelaaya, keenina karta luminta xogta.

Si lamid ah xariir kasta oo dhanka interneedka ah, waxaa jirta khatarta jebsiga xogta. Nidaamyada elektarooniga ah ee la adeegsado ayaa la waafajin doonaa habraacyada khadka iyo amaanka software-ka si loo difaaco sirta xogta bukaanka waxaana ku jiri doona talaabooyin lagu difaacaayo xogta laguna hubinaayo sharafta. 

Dadka aan ahayn dhakhtarka caafimaadka khadka lagu baxsho ayaa sidoo kale joogi kara ama geli kara xogtaada kulanka caafimaadka khadka lagu bixiyo si ay gacan uga gaystaan shaqada, keenista ama dayactirka adeegga caafimaadka khadka lagu baxsho iyo aaladaha tignooloojiyada.  Shaqsiyaadkaan waxay raaci doonaan xeerarka sirta iyo amaanka xogta ee degsan. 

Waxaan qirayaa waxyaabaha soo socda:

  1. Waxaan awood sharci u leeyahay inaan bixiyo ogolaanshaha Adeegyada Oggolaanshaha.
  2. Waxaan fahmayaa aana aqbalayaa in adeegyada Caafimaadka ee ay fududayso Color aysan ku habboonayn shaqsiyaad gaar ah oo kamid ah dadka qaba xanuuno ama calaamado gaar ah. Kahor intaanan helin Adeegyada Daryeelka Caafimaadka, waxaan helay fursad aan kula tashado dhakhtarkayga. 
  3. Waxaan fahmayaa aana aqbalayaa in la i siin doona aana akhrin doono xogta ku saabsan Adeegyada Caafimaadka ee aan doortay, ayna ku jiraan faa’iidooyinka, khataraha, dhibaatooyinka ka imaan kara ama caqabadaha, iyo dookhyada kale ee ku aadan daryeelkayga caafimaadka.
  4. Waan fahmayaa in aan xaq u leeyahay inaan la tashto dhakhtarkayga gaarka ah kahor intaanan go’aansan inaan qaato Adeegyada Caafimaadka ama diido wax Adeeg Caafimaad ah haddii aan go’aansado inaana aqbalin khataraha imaan kara ama haddii kale igu haboonayn. 
  5. Waxaan fahmayaa aana aqbalayaa in dhakhtar aan ka heli karo Color uusan arki karin diiwaanadayda caafimaadka oo buuxa iyo in xogta caafimaadka ee aan bixiyo marka la i siinaayo Adeegga Caafimaadka ama booqashada caafimaadka khadka lagu bixiyo ay noqon karto isha keliya ee xogta caafimaadka ee uu adeegsan karo dhakhtarku inta lagu jiro baaristayda iyo daawayntayda.
  6. Waxaan fahmayaa, aqbalayaa, aana si cad ugu oggolaanayaa Color inay soo aruuriso, adeegsado, kaydiso, ayna una gudbiso qolyaha saddexaad ee muhiimka ah, xogta igu saabsan, ayna ku jiraan sawirkayga, marka loogu baahdo bixinta adeegyada caafimaadka khadka lagu baxsho.  Waxaan aqbalayaa inaan siiyo diiwaanadayda caafimaadka dhakhtarkayga ama adeeg bixiyaha kale ee caafimaadka ee aan doortay.  Sidoo kale waxaan fahmayaa inaan geli karo dhammaan xogta caafimaadka ee khusaysa Adeegga caafimaadka ama talo bixinta khadka sida uu qabo sharciga ay qusayso ee helitaanka xogta ee bukaanka. 
  7. Waxaan fahmayaa aana aqbalayaa in aqoonsiga iyo shahaadooyinka dhakhtarkayga la isiin doono xili hore ama waqtiga Adeegga Caafimaadka ama khadka la ii samaynaayo. Marka tignooloojiyadu fashilanto, dhakhtarkayga ayaa bixin doona tallaabooyinka xiga ama xogta dabagalka. 
  8. Waxaan fahmayaa aana aqbalayaa in, markaan iska qoro Adeega Caafimaadka, inaan aqbalaayo bixinta iyo siinta Adeegga Caafimaadka ee ay Color bixiso.
  9. Waxaan fahmayaa inaan xaq u leeyahay inaan diido ama ka laabto oggolaanshaha Adeegga Caafimaadka iyo adeegsiga Color ee caafimaadka khadka lagu baxsho markaan doono. Waxaan fahmayaa in haddii aan ka laabto oggolaanshahayga Adeegga Caafimaadka ama adeegsiga caafimaadka khadka lagu baxsho, aysan wax saamayn ah ku yeelan doonin adeegyada mustaqbalka ama gunnooyinka daryeelka ee aan xaqa u leeyahay, laakiin ka laabashada ogolaanshuhu ay saamaynayso awooda sii wadista inaan Adeeg Caafimaad oo gaar ah helo ilaa aan ogolaansho cusub ku baxsho Adeegga Caafimaadka.
  10. Waxaan fahmayaa aana aqbalayaa in Adeegyada Caafimaadka iyo adeegyada caafimaadka iyo kuwa lagu bixiyo khadka ee Color aysan ahayn kuwo bixiya xaaladaha daryeelka degdega ah ama caafimaadka degdega ah.  Haddii ay i qabsato xaalad caafimaad oo degdeg ah ama dhibaato iga qabsato daawada, waxaan fahmayaa in ay tahay inaan waco 911.
  11. Waan fahmayaa khataraha, faa’iidooyinka, iyo caqabadaha adeegyada caafimaadka khadka lagu baxsho ee kor lagu qeexay.
  12. Waxaan qirayaa inaan helay aana fursad u helay inaan akhriyo Shuruudaha Adeegga, Xeerka Sirta, iyo Xeerarka Ogaysiiska Sirta ee HIPAA ee Shirkada Color.
  13. Waxaan fahmayaa in saxiixayga elektarooniga ah uu leeyahay isla awooda saxiixayga aan gacanta ku qoro.

Oggolaanshiyaasha Gobalka U gaarka ah ee Adeegyada Caafimaadka Khadka lagu baxsho: 

Xogta soo socota waxay khusaysaa bukaannada helaaya adeegyada caafimaadka khadka lagu baxsho ayagoo jooga goballada hoos ku qoran.

    • New York:  Waan fahmayaa in aan dhakhtarka caafimaadka khadka lagu baxsho ka codsan karo sida aan ku xaqiijinaayo ruqsadiisa xirfadeed.  
  • Texas:
    • OGEYSIISKA LA XARIIRA CABASHOOYINKA – Cabashooyinka ku saabsan dhakhaatiirta, iyo sidoo kale ruqsadleeyda kale iyo dadka ka diiwaan gashan Gudigga Caafimaadka ee Texas, ayna ku jiraan kaaliyaasha dhakhaatiirta, dhakhaatiirta duugista, iyo kaaliyaasha qaliinka ayaa lagu soo gudbin karaa si baaritaan loogu sameeyo ciwaanka soo socda: Texas Medical Board, Attention: Investigations, 333 Guadalupe, Tower 3, Suite 610, P.O. Box 2018, MC-263, Austin, Texas 78768-2018. Caawimaad ku aadan gudbinta cabashada ayaad ku helaysaa inaad wacdo lambarka taleefanka soo socda: 1-800-201-9353, Si aad u hesho xog dheeraad ah, fadlan booqo webseedkeena oo ah www.tmb.state.tx.us.

 

  • Utah:  Si aad u hesho xog dheeraad ah oo ku saabsan mulkiilaha ama maamulaha webseedka caafimaadka khadka lagu bixiyo, goobta, iyo xogta aad kala xariirayso, la xariir support@color.com.

Xaqiijin

Waxaad (a) xaqiijinaysaa inaad tahay bukaanka, ama aad masuuliyad sharci ah u haysato inaad oggolaansho u bixiso bukaanka adoo ah wakiilka sharciga ah ama waalidka sharciga ah ee bukaanka, (b) xaqiijinaysaa aadna aqbalaysaa khataraha kor lagu sheegay iyo shuruudaha ku xiran helitaanka Adeegyada Caafimaadka, ayna ku jiraa Adeegyada caafimaadka khadka lagu baxsho, iyo (c) waxaad ogolaanshahaaga faahfaahsan ku bixinaysaa helitaanka Adeegyada Caafimaadka adoo raacaaya shuruudaha halkaan ku qoran.